QUDBI-QARAN OO GALBADAY YAASIN XAAJI ISMAACIL JIRDE

QUDBI-QARAN OO GALBADAY YAASIN XAAJI ISMAACIL JIRDE
AFHAYEEN, WASIR KU XIGEEN ILAA WASIIR
Mar kale ayay maalmahaan murugo gilgishay bahda Saxaafada iyo Siyaasiyiinta markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ahaa Yaasin X. Ismaacil Jirde, 15kii bishan April 2014, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa Saxaafada Soomaalida, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Allaha u wada naxariistee, Maxamed Xuseen Giire iyo Wali Xaaji Caynaba.
Yaasin Xaaji Ismacil Jirde wuxuu ahaa horseedkii iba-furay Saxaafada Casriga ah ee Soomaalida, horseedkaas oo uu hormuud u ahaa Yaasin Xaaji Jird.
Qudbigan u dambeeyey qalbi-fuqa geeridiisu nugu dhallisay waa mid ka qota-dheer qof qura oo god galay, Waa tiiraanyo ay xoojinayso xasuusta xilligan xun ee cimri-dadajinaya caqligii ummaddaan, wallow ay ajashu iska qoran tahay. Dadka mihnada Saxaafada leh dareenkoodu aad ayuu uga xasaasisan yahay kan dadka kale. Aad ayay ugu nugul yihiin saamaynta dhibaatada dalkooda iyo dadkooda. Waxay is asaaraan xil culayskiisu mararka qaar ka tan weyn yahay. Qalbijabka badan iyo culayska weyn ee maskaxda la saaraana waxay keenaan cimri-degdeg.
Yaasin Xaaji Ismaacil Jirde wuxuu ka mid ahaa Suxufiyinta somalida kuwooda ugu caansan . Wuxuu isugu jirey wax badan. Wuxuu lahaa hibooyin isku dhafan. Wuxuu isku hawlay kana soo dhalaalay arrimo aad u kala duwan. Wuxuu ahaa Askari, Saxafi, Agaasime, Afhayeenki Madaxweynaha Maxamed Siyaad Barre ,Wasir ku xigeen, Wasiirkii Warfaafinta Somaliya, Indheer-garad, aqoon-yahan iyo abwaan khayaalkiisu aad hodon u yahay.
Naxariistii janno Allaha siiyee, Yaasin Xaaji Ismaacil Jirde wuxuu ku dhashay magaalada Hargaysa, sanadihii 1950 kii..Tacliintiisa quraanka iyo dugsiga hoose wuxuu ku bilaabay Hargaysa, ka dibna tacliin-dugsiyeeddiisa wuxuu ku sii watay magaalada Hargaysa iyo caasimadda Muqdisho oo uu markii dambe u wareegay. Yaasin wuxuu ahaa qof wax is baray wuxuu ahaa shaksi aad u dadaal badan.
wuxuu ahaa macalin gacan qabtay suxufiyiin badan dadka uu gacan qabtay waxa ka md ah sida uu isaguba uu sheegay Pro. Axmed Ismacil Samater. inta badan wariyayaasha ku hal qabsada waxa ka mid ah Axmed Xasan Cawke iyo Maxamud Sh. Axmed Dalmar.
Taariikhdiisa shaqada, Yaasin shaqooyin dhawr ah iyo xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Soomaaliya burburka ka hor. Shaqadiisii u horreysey wuxuu ka bilaabay ciidammadii Booliska xiligii ingiriiska uu xukumayay somaliland, wuu iskaga tagay, Ka dibna wuxuu sannado badan ka shaqeeyey wasaaraddii warfaafinta somaliya oo uu ka ahaa wariye aad loo siiyo marka uu warka akhrinayo radio muqdisho taas oo markii danbe uu maxamed siyaad ka dhigtay wariyaha u gaarka ah ama afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyada somaliya markii danbe wuxuu ka qabtay wasaarada masuuliyado badan agaasime, wasiir ku xigeen iyo 1989 kii oo laga dhigay wasiirkii warfaafinta jamhuuriyada somaliya waxa kale oo uu yaasin ahaa xubin ka tirsan golihii shacabka.
Yaasin wuxuu ka soo jeedaa qoys caan ka ah deegaanada ay somalidu dagto waa qoys lagu majeerto waxbarashada iyo lbaxnimada aabihii wuxuu ahaa xaaji ismaacil aw cali (Xaaji Jirde), waa qoys balaadhan waxa ay walaalo ahaayeen wax nool iyo wax dhintayba dad aad u badan sida Marxuum Salaan Jirde oo ka mid ahaa ardaydii ugu horaysay ee sudan waxbarasho u taga, Ing. Axmed-Nuur Jirde, C/Qadir Jirde gudoomiye ku xigeenkii hore barlamaanka somaliland ahna xubin barlamaanka somaliland, Marxuum Aden Xaaji Jirde mayaar ku xigeenkii hore magalada hargaysa, Pro. Yusuf X. Jirde, Cumar X. Jirde, Marxuum Saleeban X. Jirde, Abwaan Xasan-Arami X. Jirde, Muj. C/raxmaan-Jigiban X. Jirde, Siciid X. Jirde, Cismaan X. Jirde, Marxuum Dabcasar. Caasha iyo kinsi.
waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan qoyskiisa iyo qaraabadiisa isagana waxaan Ilaahay uga baryayaa naxariistii janno.
Waa inoo taariikhdiisa oo dhamays tiran

Comments

Popular posts from this blog

Somalia was without a formal parliament for more than two decades after the overthrow of President Siad Barre in 1991.

SOMALILAND INTERNATIONAL BOUNDARIES

Somaliland Constitutional History – 1946 to 1960